
Axad, July, 07, (HOL)– Wasaaradda arrimaha gudaha ,federaalka iyo dimuqradiyeynta Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay waxaa dowladda federaalka loogu baaqay inay farogelinta laga joojiyo doorashooyinka ka dhacaya dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland.
newsinside"Wasaaradda arrimaha gudaha ayadoo tixraacaysa warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah taariikhdu markay ahayd 6 July, kuna saabsanaa habraaca doorashada dowlad-gobolleedka Jubbaland waxay ka digaysa farogelinta qaawan ee dowladda federaalka ah ku hayso arrimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka." ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ayuu ku booriyay warsaxaafadeedka inay ixtiraamto doorashooyin u qorsheysan dadka dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland.
Gabagabada, warsaxaafadeedka ayaa loogu baaqay dowladda federaalka, dhammaan dowlad-gobolleedyada iyo bulshada Soomaaliyeed in la dhowro dastuurka.
Hoos ka akhri warsaxaafadeedka;
.jpg)
[email protected]