4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Jubbaland: Dowladda Federaalka door ku maleh hannaanka doorashada

Axad, July, 07, (HOL)– Dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa ka soo horjeesatay go'aamo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka oo la xiriiray doorashooyinka ka dhacaya maamulka.

War-saxaafadeed dowlad-gobolleedka ka soo baxay  ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Jubbaland.

"Dowladda federaalka waxay farogelin qaawan ku haysa arrimaha doorashada." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlada federalka ayaa soo saartay qoddobo ku saabsan doorashada Jubbaland kuwaasoo ay qodobadiisu ka mid ahaayeen sida loo soo xulayo xildhibaanada,doorka haweenka iyo halka lagu qabanayo doorashada.

Hoos ka akhri, warsaxaafadeedka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]