Hiiraan Online
9/20/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Gabar yar oo meydkeeda laga helay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud
Axad, July, 07, (HOL)– Gabar da'yar ah ayaa lagu dilay deegaanka Godinlane oo ka tirsan gobolka Galgaduud , sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Qoyska gabadha meydkeeda laga helay deegaanka oo lagu magacaabi jiray Sagal Garaad Axmed , ayaa sheegay inaysan garaneyn cidda dishay, iyadoo meydka gabadha uu ka muuqday jir dil.
Baaritaanno dilkan la xiriira ayaa la sheegay inay deegaanka ka socdaan, wallow aan cidna wali loo soo qaban dilka ka dhacay deegaanka Godinlabe oo qiyaastii 30 km dhanka koonfureed ka xiga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Dadka deegaanka ayaa ka argagaxay dhacdadaan oo ku cusub deegaannada.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]