4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Haweenay nin isku eekeysiinaysay oo Gaalkacyo lagu qabtay

Axad, July, 07, (HOL)– Booliska Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo bandhigay haweeney sida ragga u labisan oo muddo isku ekeysiinaysay inay rag tahay.

Haweenayda la soo qabtay ayaa sidoo kale sidatay hub, waxaana hoyga ay degganeed kula nooleyd haweenay kale,iyadoo booliska uu sheegay inay xiriir la sameysay dumar badan iyada oo isku muujinaysa inay rag tahay.

Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi Aadan ayaa booliska sidoo kale ay ku qabteen hub ay sidatay.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka ,Mudug Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa sheegay in baaritaano dheer kaddib gabadha oo lagu magacaabo Deeqo Cabdullahi Aadan ,balse dadka isugu sheegi jirtay magaca Deeq la ogaaday inay tahay qof dumar ah balse iska dhigayay Rag.

Mar ay la hadleysay warbaahinta haweenayda ayaa qiratay inay tahay qof dumar ah, hubka ay sidatana ay ku ilaashan jirtay dukaan ganacsi oo ay lahayd, iyada oo aad looga hadal hayo Gaalkacyo haweeneyda oo dadka qaar ay horey ugu heysan jireen inay rag tahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]