4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Axad, July, 07, (HOL)– Ninkan dhalinyarrada ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in burcad koonfur Africaan ah ku dileen xalay deegaanka lagu magacaabo Naas ee Gobolka Mpumalanga.

Murxuumka oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Saqiir ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dukaan uu ka shaqeynayay halka.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka loo geysto Soomaalida,waxaana sidoo kale lagu beegsadaa dadka ajaanibtaa ah ee guud ahaan ka shaqeysta dalka Koofur Afrika.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]