3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Weerar dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay dalka Afghanistan

Axad, July, 07, (HOL)– Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 179 kalana waa ay ku dhaawacmeen ,kaddib qarax gaari oo ka dhacay gobolka Ghazni ee dalka Afghanistan, sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta.

Xubin ka tirsan gobollada deegaanka ee gobolka, Xasan Raza Yousafi ayaa u sheegay warbaahinta in weerar is miidaamin ahaa in Axadda maanta ah lagu beegsaday dhisamaha hay'adda sirdoonka ee xarunta gobolkaa, wuxuu inta ku daray in dhammaan xubnaha la dilay ay ka tirsanaayeen hay'adaha sirdoonka, wallow uu qiray in bukaanada haatan xaaladooda lala tacaalayo ay rayid u badan yihiin.

Weerarka waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Taliban,iyadoo afhayeen u hadlayay oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahed uu sheegay tobannaan ka tirsan hay'adda sirdoonka inay ku dhinteen weerarka.

Wuxuu ku soo aadday weerarka xilli shir laba maalmood ah oo u dhaxeeya dowladda Afghanistan iyo kooxda Talibaan uu ka frmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/7/2019 12:50 PM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiillada ee magaalada Garoowe ayaa soo gabagabeeyay dood ay ka lahaayeen xisaab xirka misaaniyadda 2018kii oo golaha la hor keenay 30kii bishii hore ee Jun 2019ka.

7/7/2019 11:09 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Wasaaradda arrimaha gudaha ,federaalka iyo dimuqradiyeynta Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay waxaa dowladda federaalka loogu baaqay inay farogelinta laga joojiyo doorashooyinka ka dhacaya dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

7/7/2019 10:52 AM EST
Axad, Luulyo, 7, 2019 (HOL)- Dadweynaha reer Somaliland ayaa si balaadhan usoo dhoweeyey weftigii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ugu maqnaa galbeedka Afrika gaar ahaan jamhuuriyadda Ginni Konakori.

7/7/2019 10:45 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Atul Khare.

7/7/2019 6:00 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Booliska Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa maanta soo bandhigay haweeney sida ragga u labisan oo muddo isku ekeysiinaysay inay rag tahay.

7/7/2019 5:49 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Gabar da'yar ah ayaa lagu dilay deegaanka Godinlane oo ka tirsan gobolka Galgaduud , sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

7/7/2019 5:26 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Madaxweynaha Jubbaland , Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybgalay maalinka koobaad ee furitaanka Bandhiga Carwada Buugaagta ee Kismaayo.

7/7/2019 5:20 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Dowladda Iiraan ayaa lagu wadaa inay kordhiso xadiga bacriminta Uraniumka ee dalkaasi loo ogolaaday heshiiskii Nuclearka ee uu la galay waddamada Yurub iyo Mareykanka, taasi oo loogu fududeeyey shidaalka ay u iibgayn jirtay caalamka.

7/7/2019 5:12 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargelisay dhammaan hay'adaha caalamiga ah ee deggan magaalada Muqdisho inay adeegsadaan magaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

7/7/2019 5:01 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)– Dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa ka soo horjeesatay go'aamo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka oo la xiriiray doorashooyinka ka dhacaya maamulka.

7/7/2019 2:16 AM EST
Axad, July, 07,(HOL)– Ninkan dhalinyarrada ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in burcad koonfur Africaan ah ku dileen xalay deegaanka lagu magacaabo Naas ee Gobolka Mpumalanga.

7/7/2019 1:47 AM EST
Axad, July, 07, (HOL)–Shirkadda diyaaradaha Uganda Airlines ayaa lagu wadaa in duulimaad toos ah ay ka bilaawdo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 01 bisha Augusto ee sanadkan sida uu Hiiraan Online u xaqiijiyay agaasimaha Waaxda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xassan.