4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Shirkadda Uganda Airlines oo duulimaad toos ah ka bilaabeysa magaalada Muqdisho

 

Axad, July, 07,  (HOL)–Shirkadda diyaaradaha Uganda Airlines ayaa lagu wadaa in duulimaad toos ah ay ka bilaawdo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 01 bisha Augusto ee sanadkan sida uu Hiiraan Online u xaqiijiyay Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xassan.

Duulimaadkan tooska ah Uganda Airlines ay ku tagi doonto magaalada Muqdisho ayaa sare u qaadaya tirada shirkaddaha heerka caalami ee hadda dib howlahooda uga bilaabay garoonka Cadde, kuwaa oo fursad u siinaya rakaabka in ay toos uga daggaan dalalka shirkadaha caalamiga ah ee duulimaadyada toos ah ku yimaada magaalada Muqdisho.


Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada Axmed Macalin Xasan
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in marka laga soo tago shirkadda Uganda Airlines sidoo kale jiraan shirkaddo kale oo la filayo in dhawaan bilaabaan duulimadyo toos ah oo ay ku imanayaan magaalada Muqdisho. Sharikadahaas ayaa waxaa ka mid ah Al Arabia Airlines, South African Airways, Air Rwanda iyo waliba Saudi Airlines.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay ka degtay garoonka Aadan Cadde diyaarada Qatar Airways oo ku soo biirtay shirkaddaha diyaaradaha ee sida toos ah u yimaadaan magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda Duulista hawadda Axmed Macalin Xassan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay in shirkaddaha heerka caalami ku dhiiradaan duulimaadyada tooska ah oo ay ku imanayaan magaalada Muqdisho tahay nabad-galyada Garoonka oo xiliggan ah md leysku haleyn karo.

Tartanka shirkaddaha duulimaadyada ayaa wuxuu fursad u siinaya rakaabka gudaha iyo dibadda  in ay helaan Tikidho qiimo jaban iyo adeeg waafi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]