4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2019
Muuse Biixi: Soomaaliya laba godob bay galeen


Axad, Luulyo, 7,  2019  (HOL)- Dadweynaha reer Somaliland ayaa si balaadhan usoo dhoweeyey weftigii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ugu maqnaa galbeedka Afrika gaar ahaan jamhuuriyadda Ginni Konakori.

Qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland, islamarkaana caleemo qoyan lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey dhammaanba jidadka waaweyn ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin, una taageersan yihiin guulaha uu madaxweynubu kasoo hooyey safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Gini.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo axsaabta qaranka oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland,  ayaa iyaguna soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa hor kacayey, waxana uu madaxweynuhu shacabka kala hadlay goob fagaare ah oo ka ag dhaw madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Madaxweyne-ku-xigeenka C/raxmaan Saylici iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo ugu horrayn shacabka la hadlay, ayaa sheegay inuu safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa guud ahaanba Somaliland usoo hooyeen guul dhinacyo badan leh, islamarkaana quluubta shacabka reer Somaliland midaysay oo isu soo dhaweysay.

Madaxweyne Biixi shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa uga mahadnaqay sida diiran ee ay usoo dhoweeyeen, waxana uu ugu baaqay inay mar walba u midoobaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen.

“Maamulka muqdisho laba godob bay galeen midna Gini bay ka galeen midna Somaliland, ta Giini iyaga ka jawaabi balse godobta Somaliland ka galeen ee ay leeyihiin ma gayaan dadka reer Somaliland maamuuska inaas leeg ee maxaad u siisay,ragaasi sidaas ku tashaday ee ka tirsan xukuumadasi Somaalia ma garan waxay godobta intaas leeg ku kalifaya.”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

“Arrimahaasi ay wadaan Soomaaliya waanu ka dagaalamaynaa afbaanu kaga dagaalamayna oo qalin baanu kaga dagaalamaynaa hadii loo baahdana cudud baanu kaga dagaalamaynaa, maanta Somaliland u biqi maayo oo Soomaali u haweysanaysa ma jirto.”ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, maanta magaaladu mashquul bay ahayd oo shacabka badankoodu waxay  ka hor tageen madaxweynaha, waxaana shucuurta iyo dareenkaasi kiciyey hadaladii xukuumadda Soomaaliya kaga jawaabtay safarkii weftiga madaxweynuhu ku tagay Ginni, taas oo loo arkay in dawlada Soomaaliya dagaal toos ah kula jirto Somaliland, waxaanay taasi keentay in si wada jira ah muxaarid iyo muxaafidba loo midoobbe..

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.