Deegaanka Goobweyn oo hoostaga Kismaayo oo laga daahfuray xafiisyo uu ku shaqeeyo maamulka
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) oo ay wehlinayeen masuuliyiin ka socotay wasaaradaha arimaha gudaha iyo howlaha guud iyo guryenta ee Jubbaland iyo gudoomiyaha degmada Kismaayo ayaa daahfuray xafiisyo uu ku shaqeyn doono maamulka deegaanka Goobweyn oo dhawaan laga dhisay halkaasi.
Deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 13 KM dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo ayaa ah goob taariikh fog leh islamarkaana ah halka ay uu webiga Jubba kaga darsamo badweynta Hindiya.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) oo munaasbaddii daahfurka ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic ay wado wasaaradda arimaha gudaha oo lagu horumarinayo deegaanada hoostaga Kismaayo.
Waxa uu ka codsaday Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland in deegaankaasi loo dhameystiro baahiyaha arimaha bulshada ee ka jira.
Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) ayaa intaa kadib madasha ka hadlay, isagoo sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay ka go’antahay in ay dib usoo celiso dhammaan adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshada, isagoo xusay in Goobweyn ay u yimaadeen daahfurka xafiisyada maamulka iyo weliba dhagaxdhigga mashruuc kale oo deegaankaasi looga hirgelin doono nalalka ku shaqeeya cadceedda.
Bulshada ku dhaqan deegaanka Goobweyn ayaa isugu jirta xoolo dhaqato iyo qaar kale oo beeraleey ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Somalia oo sheegay in Qalab casri ah ay u wadaan Garoonka cusub ee Garowe
- Maxkamadda sare ee dalka oo la horgeeyay dacwad ka dhan ah Labo Kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka
- Daawo sida Garoowe loogu soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo
- Laba wariye oo ka hawlgala Boorama oo maxkamaddi ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah
- Wasiirradii dhawaan uu magacaabay ra’iisal wasaare Kheyre oo xilalka loo dhaariyay
- Madaxweynaha Somalia oo Booqashadiisi ugu horeysay ku yimid Puntland (Sawirro)
- Wasiirka cusub ee arrimaha dibeda oo soo gaaray magaalada Muqdisho
- Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dugsiga Xaawo Taako
- Soomaalida Minnesota oo u Dabaal Tagtay sii Daynta Max'ed Tiicey
- Trump oo siweyn u beeniyay in Xanuun dhinaca Maskaxda ah uu qabo
- Tahriibayaan ay dooni kula degtay badda Liibiya
- Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Garoowe
- Wasaradda Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka oo War ka soo saartay arrimaha Xajka iyo Cimrada
- Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka degmada Balcad





