3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2018
Soomaalida Minnesota oo u Dabaal Tagtay sii Daynta Max'ed Tiicey

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) –Jaaliyadda Soomaali ee gobolka Minnesota ayaa habeenimadii xalay isagu yimi kulan ay ku taageerayaan sii dayntii Madaxwaynahii Hore ee maamulkii Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdulahi Adan Tiiceey oo laga sii Dayey Xabsi Ku yaal Bilgimka .

Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen dadwayne aad fara badan ayaa dhamaantood dadkii halkaan ka hadlay ay isla qireen in Maxamed Tiiceey uu ahaa shaqsi wax wayn ka qabtay nabadaynta Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhaxe,

Max’ed Marteelo  Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Galmudug oo isaguna goobta ka hadlay  ayaa sheegay in shaqada uu galmudug ka hayo ay tahay mid ku timi waxqabadkii Tiicey oo uu sheegay in hadii uusan isagu u bareereen wax ka qabashada iyo nabadeenta  Cadaado aysan Rugta ganacsiga aysan maanta ka shaqayseen Galmudug.


Maxamed Cabdulahi Adaan Tiicey oo isaguna Goobta ka hadlay ayaa aad ugu mahadceliyey dadka Minnesota isagoo sheegay in taageeradooda ay aheed mid uu mar walba la socday dadaaladii ay geesteena ,mar uu ka hadlaayey eedayntii wax kama jiraanka  aheed ee loo haystay waxa uu ka yiri dal marka qof danbiile ah ay si daayaan isla markii dalkooda ayeey kasaaraan anigu habeenkii aan soo baxay aniga qareenadayda iyo kuwii I lahaa danbi baad gashay meelo isku dhow baan kawada casheenay, Tiiceey waxuu sheegay in lala xiray nin kale oo Soomaaliyeed waxa uu ug duceeyey goobta isagoo sheegay in gardaro lagu haysto wuuna aad uga xun yahay xariga Shaqsigaa.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

Minneapolis ,Mn

[email protected]













Click here
1/7/2018 3:28 PM EST
Axad, Janaayo,07,2018 (HOL)–Magaalada Garowe waxaa caawa ku hoyanaya wafddi balaaran oo uu horkacayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ,waxaana wafdigan ku jira wasiiro uu kamid yahay wasiirka duulista hawada iyo Garoomada ee dowladda Somalia.

1/7/2018 3:15 PM EST
Axad, Janaayo , 07, 2018 (HOL)-Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta dhageysatay dacwad ka dhan ah Kuraastii ay banneeyeen Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska dowladda federaalka Cabaas Siraaaji oo sanadkii hore toogasho lagu dilay iyo taliyihii hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

1/7/2018 10:53 AM EST
Axad, Janaayo,07,2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

1/7/2018 8:48 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) oo ay wehlinayeen masuuliyiin ka socotay wasaaradaha arimaha gudaha iyo howlaha guud iyo guryenta ee Jubbaland iyo gudoomiyaha degmada Kismaayo ayaa daahfuray xafiisyo uu ku shaqeyn doono maamulka deegaanka Goobweyn oo dhawaan laga dhisay halkaasi.

1/7/2018 8:27 AM EST
Axad,January 07,2018(HOL)- Laba Wariye oo ka hawlgalla gobolka Awdal ayaa maxkamadda gobolka Awdal ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah.

1/7/2018 6:15 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) – Waxaa maanta si rasmi ah xilalkii loo magacaabay ula wareegay saddexda Wasiir ee wasaaraddaha Arrimaha Dibadda,Gudaha iyo Ganacsiga munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.

1/7/2018 5:59 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ,xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu diyaar-garoobayay soo dhaweynta isaga iyo wafdiga la socda.

1/7/2018 4:05 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

1/7/2018 3:28 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

1/7/2018 12:47 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) – Madaxweyne Trump ayaa si xooggan u difaacay inuu caafimaad ahaan u qalmo inuu maamulo xafiiska uu ka taliyo, waxa uuna gaashaanka ugu daruuray buug dhawaan laga qoray oo isaga ku tilmaamaya inuusan maskax ahaan fadhiyin.

1/7/2018 12:37 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)- Sideed Qof ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga in ka badan 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay Xeebaha dalka Liibiya.

1/7/2018 12:33 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

1/7/2018 12:22 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qorshe ay wax ugaga bedeleyso maamulka iyo arrimaha Xajka.

1/7/2018 12:13 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan galinkii danbe ee shalay uu ku dhex maray duleedka Waqoyi ee degmadaas ciidamada Militariga Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.