1/16/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Daawo sida Garoowe loogu soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo


 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)–Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.

Hoos ka daawo muuqaalka sida madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Garoowe :

“Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dib-u-heshiisiinta, waxaana jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo lagaga hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa uuna warbixinno ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





Post your comments

1/7/2018 3:28 PM EST
Axad, Janaayo,07,2018 (HOL)–Magaalada Garowe waxaa caawa ku hoyanaya wafddi balaaran oo uu horkacayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ,waxaana wafdigan ku jira wasiiro uu kamid yahay wasiirka duulista hawada iyo Garoomada ee dowladda Somalia.

1/7/2018 3:15 PM EST
Axad, Janaayo , 07, 2018 (HOL)-Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta dhageysatay dacwad ka dhan ah Kuraastii ay banneeyeen Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska dowladda federaalka Cabaas Siraaaji oo sanadkii hore toogasho lagu dilay iyo taliyihii hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

1/7/2018 8:48 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland mudane C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) oo ay wehlinayeen masuuliyiin ka socotay wasaaradaha arimaha gudaha iyo howlaha guud iyo guryenta ee Jubbaland iyo gudoomiyaha degmada Kismaayo ayaa daahfuray xafiisyo uu ku shaqeyn doono maamulka deegaanka Goobweyn oo dhawaan laga dhisay halkaasi.

1/7/2018 8:27 AM EST
Axad,January 07,2018(HOL)- Laba Wariye oo ka hawlgalla gobolka Awdal ayaa maxkamadda gobolka Awdal ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah.

1/7/2018 6:15 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) – Waxaa maanta si rasmi ah xilalkii loo magacaabay ula wareegay saddexda Wasiir ee wasaaraddaha Arrimaha Dibadda,Gudaha iyo Ganacsiga munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.

1/7/2018 5:59 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ,xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu diyaar-garoobayay soo dhaweynta isaga iyo wafdiga la socda.

1/7/2018 4:05 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

1/7/2018 3:28 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

1/7/2018 3:01 AM EST
Jaaliyadda Soomaali ee gobolka Minnesota ayaa habeenimadii xalay isagu yimi kulan ay ku taageerayaan sii dayntii Madaxwaynahii Hore ee maamulkii Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdulahi Adan Tiiceey oo laga sii Dayey Xabsi Ku yaal Bilgimka .

1/7/2018 12:47 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) – Madaxweyne Trump ayaa si xooggan u difaacay inuu caafimaad ahaan u qalmo inuu maamulo xafiiska uu ka taliyo, waxa uuna gaashaanka ugu daruuray buug dhawaan laga qoray oo isaga ku tilmaamaya inuusan maskax ahaan fadhiyin.

1/7/2018 12:37 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)- Sideed Qof ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga in ka badan 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay Xeebaha dalka Liibiya.

1/7/2018 12:33 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

1/7/2018 12:22 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL)-Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qorshe ay wax ugaga bedeleyso maamulka iyo arrimaha Xajka.

1/7/2018 12:13 AM EST
Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan galinkii danbe ee shalay uu ku dhex maray duleedka Waqoyi ee degmadaas ciidamada Militariga Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab.