4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Garoowe

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

Booqashada madaxweynaha ee Puntland ayaa noqoneysa tii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha 08 February ee sanadkii tagay 2017.

Ujeedada ugu weyn ee safarka madaxweynaha uu maanta ku tagayo Garoowe ayaa lagu sheegay ka qeybgalka furitaanka Garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe,sidoo kalana waxaa uu booqan doonaa deegaanno kala duwan oo ka tirsan Puntland.

Warar soo baxayaa ayaa sheegaya in safarka Puntland kaddib la filayo in madaxweynaha uu u soo gudbo dhinaca deegaannada Galmudug , gaar ahaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya socdaalkii ugu balaarnaa ee uu ku maro gobalada Dalka Soomaaliya haddii uu u dhaco sida loo qorsheeyay, waxaa uu sidoo kale qaadan doonaa maalmo ku dhaw todobaad sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

.