4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Dugsiga Xaawo Taako

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir.

Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay halyeeyaddii Xaawo-Taako, kaasi oo ahaa markaasi dugsi hoose dhexe, balse waxa uu ku burburay dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweynaha uu maanta dhagax dhigay dugsigaasi, kaasi oo looga gol leeyahay in la badiyo goobaha Waxbarashada, si kor loogu qaado tayada iyo tirada dugsiyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]