4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Wasiirradii dhawaan uu magacaabay ra’iisal wasaare Kheyre oo xilalka loo dhaariyay

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) – Waxaa maanta si rasmi ah xilalkii loo magacaabay ula wareegay saddexda Wasiir ee wasaaraddaha Arrimaha Dibadda,Gudaha iyo Ganacsiga munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu hor dhaariyay Guddoonka Golaha shacabka iyo Guddiyada Joogtada

Wasiirrada la dhaariyay ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilka ula wareegaan, si ay u gutaan howlahooda.

Saddexda Wasiir ee cusub ayaa la magacaabay maalintii Khamiistii ee taariikhda aheyd 4-ta bisha Janaayo 2018, waxaana la magacaabay iyagoo labo ka mid ah ay dalka ka maqnaayeen sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda oo Muqdisho soo .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]