4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Wasiirka cusub ee arrimaha dibeda oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda.

Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda.

Saddexda wasiir ee dhawaan la magacaabay ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la dhaariyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]