4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Laba wariye oo ka hawlgala Boorama oo maxkamaddi ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah

 

Axad,Janaayo 07,2018  (HOL)- Laba Wariye oo ka hawlgalla gobolka Awdal ayaa maxkamadda gobolka Awdal ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah.

Labadan wariye oo la kala yidhaahdo Rashiid Maxamed Cabdilaahi Xussen Dabshid Iyo Axmed Diiriye CIiltire ayaa lagu eedeeyey inay baahiyeen warar daacayado ah oo ka dhan ah Itoobiya iyo warar ka hor imanaya jiritaanka Somaliland.

Labadan wariye ayaa maalmihii u dambeeyey ku jiray xabsiga magaaladda Boorama, taas oo loo haysto warar aan jirin inay baahiyeen, haseyeeshee saxaafadda Somaliland iyo difaacayaasha xuquuqda saxafiga ayaa cambaareeyey xukunkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.