4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Maxkamadda sare ee dalka oo la horgeeyay dacwad ka dhan ah Labo Kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka

 

Axad, Janaayo , 07, 2018 (HOL) -Maxkamadda  sare ee dalka ayaa maanta dhageysatay dacwad ka dhan ah Kuraastii ay banneeyeen Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska dowladda federaalka Cabaas Siraaaji oo sanadkii hore toogasho lagu dilay  iyo taliyihii hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Wasiiru-dowlihii hore ee Warfaafinta Maxamuud Cabdi Bakeeso oo u taagan Kursigii uu beenneeyay marxuum Cabaas Siraaji iyo Xassan Cali Cabdi (Xassan Dhuxul) oo ahaa musharixiin ku soo xigay ee Kursiga kula tartamay sanadkii hore Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa labaduba sheegay in ay xaq u leeyihiin buuxinta Kuraastaa ka bannaanaaday Golaha Shacabka.

Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamuud Cabdi Beekoos ayaa Hiiraan Online u sheegay in Dastuurka dowladda federaalka dhigayo in marka xubin ka tirsan golaha shacabka uu banneeyo kursiga aan loo tartami karin islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan u buuxin doono shaqsigii ku soo xigay dhinaca doorashada.

'' Qodobka 59 aad ee Dastuurka federaalka Faqradiisa 2aad ayaa dhigaya in haddii xubin ka tirsan golaha shacabka uu beenneeyo kursiga uu si toos ah u buuxinayo qofkii ku soo xigay doorashadii hore'' ayuu yiri Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Beekoos.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ugu danbeyntii laga sugayaa go’aanka ay ka qaadato dacwada ay u gudbiyeen mas’uuliyiintan oo sheegay in ay ku dooddayaan sharciga iyo dastuurka dalka oo sida ay hadalka u dhigeen tilmaamaya habka iyo sida loo buuxinayo kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]