4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2018
Tahriibayaan ay dooni kula degtay badda Liibiya

 

Axad, Janaayo, 07, 2018 (HOL) – Sideed Qof ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga in ka badan 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay Xeebaha dalka Liibiya.

Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa sheegay in Shilkan uu noqonaya kii ugu horeeyey ee sanadkan cusub dhaca.

Waxaa kaloo la la’yahay dad kale oo doonta saarnaa sida ay sheegtay hay’ad dalka Spian laga leeyahay oo u dooda Arrimaha Socdaalka.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in qalabka wax lagu ilaaliyo ee diyaaradaha ay kula socdeen doomaha ay saaran yihiin dadka lasoo tahriibiyo.

Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ay wali ay socdaan dadaallada lagu soo badbaadinaayo dadkaasi, oo la aamin san yahay in ay ka yimaadeen Qaaradda Afrika.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2017-kii 3,000 oo qof ayaa ku haligmay badda iyagoo isku dayay inay Yurub gallaan.

Kudhowaad 34,000 oo qof ayaa ku dhamaaday amaba lagu waayay biyaha Talyaaniga iyo Liibiya u dhaxeeya ilaa sanadkii 2000.

Midowga Yurub war uu dhawaan soo saaray ayaa lagu sheegay in dadka Yurub u haajiraya ay tiro ahaan hoos u dhacday sanadkii la soo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

.