4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 7 , 2018
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Somalia oo sheegay in Qalab casri ah ay u wadaan Garoonka cusub ee Garowe


Axad, Janaayo,07,2018 (HOL)–Magaalada Garowe waxaa caawa ku hoyanaya wafddi balaaran oo uu horkacayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ,waxaana wafdigan ku jira wasiiro uu kamid yahay wasiirka duulista hawada iyo Garoomada ee dowladda Somalia.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dowladda Somalia ay qalab ku wareejin doonto maamulka garoonka diyaaradaha ee Garowe ,ka dib marka maalinta barito ah xariga laga jaro.

"Garoonkan waxa uu kamid noqon doonaa kuwa ugu muhiimsan Somalia ,sababtuna waa weynidiisa ,Dhabaha ay diyaarad-du ku ordi doonto waxa uu dhan yahay 2.45 km halka sidoo kale uu leeyahay parking  qaadi doona 10 diyaaradood" ayuu yiri wasiirka oo waraysi siiyay HOL.

 "Sidoo kale garoonka oo dhararkiisu uu dhan-yahay 8 km waxa uu leeyahay dhamaan adeegyadii looga baahnaa garoomada caalamiga ah " ayuu mar kale yiri wasiirka oo tilmaamay in maalinta bari ah ay noqon doonto maalin muhiim u ah umadda Somaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in kaliya garoonka ay u harsan-tahay shaqooyin yar-yar oo ay ku jiraan Rinji marinta , isla markaana ay taasi qaadan doonto muddo aan ka badnayn labo asbuuc.

Dhismaha garoonka ayaa waxaa iskaashanaya Puntland iyo dowladda Kuwayt ,waxaana shirkad-da qaadatay qandaraaska dhismihiisa laga leeyahay dalka Turkiga sida horey ay u sheegeen mas'uuliyiinta Puntland.

Ugu danbayn, dhawaan ayey ahayd markii wasiirka duulista Hawada Somalia uu ku guulaystay in uu Somalia u soo celiyo maamulid-da hawadeed oo muddo sanado badan ah laga maamulayay magaalada Nairobi ee Kenya.

Faysal M. Hassan
[email protected]