4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Cali Cabdullaahi Cosoble oo loo caleemo saaray madaxweynaha Hiiraan-Land


Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Kulan maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa loogu caleemo saaray Cali Cabdullaahi Cosbole madaxweynaha maamul loogu magacaabo Hiiraan –Land oo dhawaan Beledweyne uga dhawaaqeen odayaasha gobolka.

Dhinacyadii kala duwanaa ee ka qeybgalay kulanka ayaa sheegay in la bur buriyay nidaamka lagu dhistay maamulka Hirshabeelle, taa badalkeedana dhisteen maamulka Hiiraan –Land oo ka kooban labo gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Sare.

Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in go’aankii ay qaateen xildhibannada Hirshabeelle uusan aheyn mid sharaci ah.

Cali Cabdullaahi ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen, dhawaanna la filayo in la doorto madaxweyne cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]