4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2017
Tiro askar ah oo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku Geeriyooday laba Qarax oo ka dhacay Af-urur


Jimco, September,01, 2017 (HOL) –Ugu yaraan shan askari ayaa  ku geeriyooday qarax maanta  ka dhacay deegaanka Af-urur oo ku dhow-Gal-gala , isla markaana kamid ah goobo dhawaan laga saaray ururka Al-shabaab ee ku sugan buuralayda gobolka Bari.

Dad lagu qiyaasay afartameeyo qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ahaa mid ka dhacay bal-balo ku taala tuulada oo inta badan ay askartu ku kulmaan si ay qaybsadaan qaadka.

Qarax labaad ayaa la sheegay in sidoo kale la maqlay ka dib markii ciidamada Puntland ay u soo gurmadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii hore ,taasi oo keentay in khasaaraha uu ka sii bato intii hore.

Saraakiisha ciidamada Puntland oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan weerarkan oo imaanaya xilli ciidamo dheeri ah lagu kordhiyay ciidamada ku sugan buuraha Gal-gala

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyad-da weerarkan balse ururka Al-shabaab oo saldhigyo ku leh buuralayda Golis ayaa inta badan fuliya weerarro ka dhan ah ciidamada Puntland ee ku sugan aaga Gal-Gala.  


Hiiraan Online News Desk