4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Ra’iisal wasaaraha Ciraaq oo sheegay in ay la wareegeen magaalada Tal Afar

 

Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Iraq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh Ninweh.

War ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baghdad ayuu Al-abadi ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka qalabka sida.

Taliyaha xoogaga isbaheysiga ee uu Mareykanka hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish Gen. Stephen Townsend ayaa ku amaanay ciidamada Ciraq guusha kama danbeysta ah ee ay kasoo hooyeen magaalada Tal Afar.

Howlgalka magaalada Tal Afar oo 80-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Mosul ayaa bilowday 20-ki bishi August ee aanu kasoo gudubnay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]