4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2017
Dadweynaha reer Somaliland oo si weyn ugu dabaaldegay maalinta Ciidda Adxa


]Jimco, September, 01 2017 (HOL)- Dadweynaha Somaliland ayaa saaka u dareeray gudashadda salaaddii Ciidal Adxa, waxaana dadweynuhu iskugu soo baxeen garoomada waaweyn ee ku yaalla magaalooyinkoodda.

Dadweynuhu markiii ay ka soo dareereen labadda ragcadood ee salaadda Ciidda ayaa hal mar waxa camirmay wadooyinkii iyo hoteeladdii la iskuguu yimaado, waxaanu qof waliba ku soo labistay dhar qurux badan oo u badan kuwo cusub, dadweynuhu badi waxay wadeen caruurtoodii oo ku ciyaaraysay agabka caruurta, qaarkoodna la geeyey goobaha maalmaha ciidda lagu ciyaarsiiyo ee leexooyinka.

Maalmaha ciidda waxa dariiqyada cidhiidhi galiya baabuur faro badan oo qof walba ku maaweelinayo caruurtiisa, halka qaarkood magaalooyinka ka baxaan, waxaanay ciidanka amniga uga digayeen dirawaladda inay xawaare sare ku wadaan maadaama oo jidadka magaaladda ka baxa iyo kuwo magaaladda dhexdeedda yihiin kuwo mashquul ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici oo ah ku simaha madaxweynaha Somaliland ayaa dadweynaha reer Hargeysa kula tukaday masjidul jaamaca weyn ee ku yaalla badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne ku-xigeenka oo uu wehelinaayo Gudoomiyaha ahna Musharaxa xisbiga KULMIYE mudane Muuse biixi Cabdi ayaa bulsho weynta ku dhaqan caasimada somaliland ee Hargaysa kula tukaday salaadii ciida masjid jaamaca weyn oo ay soo camireen kumanaan bulshada ku dhaqan caasimada .

Madaxweyne ku-xigeenka oo khudad u jeediyay bulshada ayaa ugu hambalyeeyay munaasibada ciidal-adxa isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna ILLAAHAY uga baryay mushtama reer Somaliland inuu u siyaadiyo nabadgalyada iyo xasiloonida isagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay nabadgalyaddu kulana dardaarmay wakhtiga doorashada inay bulshadu ilaaliso nabada iyo xasiloonida dalka waxaanu yidhi "Waxaan hambalyo ballaadhan hawda u marinayaa dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan hamba.”.

Dhamaan dunidda islaamka ayey u tahay maalin farxad ah oo agtoodda ku weyn, waxaanay maanta oo kale ku jira labadda maalmood ee ugu mudan farxadaha islaamka iyo damaashoodkoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.