4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle oo beeniyay in lagu handado Jowhar

 

Jimco, September, 01, 2017 (HOL) - Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa hadalkan ka hor sheegay boqolaal dadweyne ah uu kala qeybgalay Salaada Ciida magaalada Jowhar.

Waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in isaga iyo xildhibaannada kale ee Hirshabeelle lagu handado magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

“Waxaan idiin sheegaya in aysan waxba ka jirin in aniga afduub leygu heesto sidoo kalena la handado xildhibaanada Hirshabelle ee ka soo jeedo gobolka Hiiraan, mana jirto cid igu handadi karto jowhar iyo deegaanada kale ee Hiiraan waa iskugu key mid ayuu yiri ‘’ gudoomiye Cismaan Bari Maxamed.

Wasiiro iyo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Hisshabeelle oo horay warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in aysan xoriyad ku heysan Jowhar islamarkanaa lagu handado

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]