4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ka codsatay taageero militari

 

Jimco, September,01, 2017 (HOL) – War ka soo baxay wasaarada arimah dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka dalbatay dowladda Mareykanka in ay ka gacan siiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Qoraalka ka soo baxay wasaarrada arimaha dibada ayaa u dhiganaa siddan :

AMISOM oo ka garab dagaallameysa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay ka guuleysteen in ay ka hortagaan Al-shabaab, balse AMISOM uma suurta gelin in ay Al-shabaab ka suuliso dalka oo dhan, sababaha keenay in ay ku guuleysan waayaan in dalka oo dhan ka ciribtiraan Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah hoos u dhac ku yimid hantida ku baxda howlgallada AMISOM.

Sidaa darteed iyada oo Abaal weyn u haysa dalalka Africa ee ciidamadooda ka tirsan yihiin howlgalka AMISOM ee u dhimanaya difaaca dalka Soomaaliya, ayeey dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoonka iyo ciidan iyo howlgal intaba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo ISIS si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin dalka.

Arintan waxaa sababay xogo sir ah oo ay heshay dowladda Soomaaliya oo ka ka dhan ah Al-shabaab.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Yusuf Garaad Cumar ayeey dolwadda Soomaaliya codsigeeda ugu gudbisay dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militari ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan wax-yeello ka soo gaarin.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhaweyso xubnaha Al-shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsata in ay joojiyaan dagaalka.

Mareykanka ayaa inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gacan ka siiya duqeymaha cirka ah ee lagu beegsado saraakiisha Al-shabaab, laakiin weeraradaa ayaa mar marka qaar geysta khasaare soo gaara shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]