Magaalada Kismaayo oo looga dabaaldegay munaasabadda Ciidda
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Munaasabadda Ciidul Adxa oo ay shacabka Soomaaliyeed u yaqaanaan (Ciidda Weyn) ayaa looga dabaaldegay inta badan gobollada dalka, ayadoo ciiddan ay uga duwantahay ciidaha kale, in ay tahay ciid caan ku ah sadaqada, iyo in la gowraco xoolaha, kuwaa oo ay dadka Muslimiinta ahi siiyaan dadka danta yar.
Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayay maanta u dabaaldegga ciidda, ayadoo dadweeynaha ay maanta isugu soo baxeen fagaareyaasha waaweyn ee magaalada si ay ugu oogaan salaadda.
Xarunta madaxtooyada Jubaland ayaa kamid ahayd goobihii lagu oogay saladda, halkaasoo Madaxweynaha Jubaland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ay salaadda kula tukadeen boqollaal shacab ah.
Madaxweyne Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo salaadda ka hor jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ayaa ugu horeyn hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu ka hadlay arimo ku saabsan dhulalka lakala heysto iyo xarumihii dowladda ee sida sharci darrada ah loo daganyahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in cabashooyinka ugu badan ee u yimaada ay la xiriiraan dacwadaha ku saabsan isqabqabsiga dhulka, waxa uu sheegay in arimahaasi ay tallaabo cad ka qaadi doonaan, isagoo dhinaca kale digniin u diray dadka degan xarumaha dowladda, kuwaa oo uu ugu baaqay in ay isaga baxaan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay madaxda Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan sidii ay wax qabad muuqda ula iman lahaayeen, islamarkaana uga tagi lahaayeen wax wanaagsan oo lagu xusuusto.
Waxa uu yiri : "Weligaa kursiga kuma fadhineeysid, maalin ayaad ka dageeysaa, Mooshin ayaa lagaa keeni karaa, qarax ayaad ku dhiman kartaa ama waqtigii aad xilka heyn lahayd ayaa dhamaan kara, marka waa in aad wax wanaagsan bulshada uga tagtaa oo lagugu xusuusto."
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle oo beeniyay in lagu handado Jowhar
- Cali Cabdullaahi Cosoble oo loo caleemo saaray madaxweynaha Hiiraan-Land
- Tiro askar ah oo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku Geeriyooday laba Qarax oo ka dhacay Af-urur
- Uhuru Kenyatta : Go’aanka maxkamada sare kuma raacsani, laakiin waan xushmeynayaa
- Dadweynaha reer Somaliland oo si weyn ugu dabaaldegay maalinta Ciidda Adxa
- Muxuu ka dhigay yahay go’aanka maxkamada sare ee Kenya ay ku baabi’isay doorashadii Uhuru Kenyatta
- Maxkamadda Sare ee Kenya oo Baabi'isay Doorashadii Uhuru Kenyatta
- Magaallooyinka waaweyn ee dalka Switzerland oo si weyn maanta looga Ciiday
- Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ka codsatay taageero militari
- BELEDWEYNE ‘’ Munaasabada Ciidul-Adxa oo laga maamuusay
- Ra’iisal wasaaraha Ciraaq oo sheegay in ay la wareegeen magaalada Tal Afar
- Saddex qof oo shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay dalka Kenya
- DAAWO:- Fariinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ku aadan munaasabadda ciida Carrafo
- Muqdisho iyo guud ahaan gobollada Soomaaliya oo maanta laga Ciidayo
- Tirada ciidamada AMISOM oo la dhimayo dhamaadka sanadkan