3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Tirada ciidamada AMISOM oo la dhimayo dhamaadka sanadkan

 

Jicmo. September, 01, 2017 (HOL) – Gollaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii la soo dhaafay mudo kordhin u sameeyay howlgalka midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana leysku raacay dhimo tirada ciidamada AMISOM dhamaadka sanadkan.

Qorshaha dhimista ciidamada AMISOM ayaa u gogol xaaraya sidii ciidamada Somaalia loo xoojin lahaa, marka ugu dambeysana loogu wareejin lahaa amaanka dalka.

Ciidamada AMISOM ayaa ka taageerada dowladda Soomaaliya dhinacyada amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo ka howlgala guud ahaanba gobollada dalka iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/1/2017 11:57 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) - Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa hadalkan ka hor sheegay boqolaal dadweyne ah uu kala qeybgalay Salaada Ciida magaalada Jowhar.

9/1/2017 11:43 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Kulan maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa loogu caleemo saaray Cali Cabdullaahi Cosbole madaxweynaha maamul loogu magacaabo Hiiraan –Land oo dhawaan Beledweyne uga dhawaaqeen odayaasha gobolka.

9/1/2017 10:18 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) –Ugu yaraan shan askari ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay deegaanka Af-urur oo ku dhow-Gal-gala , isla markaana kamid ah goobo dhawaan laga saaray ururka Al-shabaab ee ku sugan buuralayda gobolka Bari.

9/1/2017 9:29 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu fikir ahaan ka soo horjeedo go’aanka maxkamada sare ee dalka ay ku baabi’isay guushii uu ka gaaray doorashadii Augusto, laakiin waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono.

9/1/2017 8:16 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Munaasabadda Ciidul Adxa oo ay shacabka Soomaaliyeed u yaqaanaan (Ciidda Weyn) ayaa looga dabaaldegay inta badan gobollada dalka, ayadoo ciiddan ay uga duwantahay ciidaha kale

9/1/2017 8:10 AM EST
Jimco, September,01 2017 (HOL)- Dadweynaha Somaliland ayaa saaka u dareeray gudashadda salaaddii Ciidal Adxa, waxaana dadweynuhu iskugu soo baxeen garoomada waaweyn ee ku yaalla magaalooyinkoodda.

9/1/2017 7:13 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Warka ugu weyn guud ahaan marka la eego Qaaradan Africa waa go’aanka ay gaartay maxkamada sare ee Kenya oo taariikhda inta la ogyahay ku tilmaamtay doorasho mid aan waxba ka jirin.

9/1/2017 4:59 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii dhawaan ka dhacday dalka, taasoo uu ku soo baxay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

9/1/2017 4:27 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) –Muslimiinta ku nool dalka Switzerland ayaa Salaadii Ciida ee maanta waxa ay ku Ogeen goobo kala gedisan oo dalkaasi ah.

9/1/2017 3:53 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – War ka soo baxay wasaarada arimah dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka dalbatay dowladda Mareykanka in ay ka gacan siiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

9/1/2017 3:31 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Boqolaal shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa maanta Salaada Ciida ku Oogay fagaare ku yaala xaafadda Xaawo –Taako, halkaa oo ay culimadu ka soo jeediyeen Khubado Diini oo la xiriira qiimaha maanta oo kale u leedahay muslimiinta dunida.

9/1/2017 3:08 AM EST
Jimco, September, 01, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Iraq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh Ninweh.

9/1/2017 2:34 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) –Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa dhaawacmay, kaddib markii gaari ay la socdeen uu dulmaray miino lagu aasay waddo u dhow xadka ay wadaagaan waddamada Soomaaliya iyo Kenya, sida wakaalladda Reuters ay sheegtay.

9/1/2017 2:12 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) –Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sh Cusmaan Jawaari ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda Ciida Carrafo u diray ummadda Soomaaliyeed.

9/1/2017 2:01 AM EST
Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Maanta oo Jimcaha ayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa maalinta koowaad ee munaasabada Ciidul-Adxa oo ka mid ah labada Ciidood oo ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah.