4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Magaallooyinka waaweyn ee dalka Switzerland oo si weyn maanta looga Ciiday

 
Jimco, September,01, 2017 (HOL) –Muslimiinta ku nool dalka Switzerland ayaa Salaadii Ciida ee maanta waxa ay ku Ogeen goobo kala gedisan oo dalkaasi ah.

Magaallooyinka waaweyn ee dalkaasi sida Zurich, Basel, Bern iyo Geneva, ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo maanta oo Axad ah si weyn looga ciiday, waxaana Muslimiinta ay isugu hambalyeynayeen Farxada Ciida.

Magaalladda Zurich oo ah Magaalladda ganacsiga dalka Switerland oo aan saaka kaga qeyb-galay salaadii Ciida, ayaa waxaa goobta lagu tukanayay salaada Ciida  sidoo kale ku sugnaa Soomaali aad u farabadnaa oo wajiyadooda laga dheehan karay farax iyo reyn-reyn. 

Qaar ka mid ah Soomaalidii saakay ku Ciiday Magaalladda Zurich ayaa iyagoo aad u faraxsan waxaa ay ka hadleen sida uu dareenkooda yahay, iyaga oo sidoo kale ka faa’iideestay fursad  Maalinta Ciida iyo Axada oo dadka Badan Fasax ah.

Dhammaan jaaliyadda Soomaalidda ee dalkaasi, ayaa isugu marxabeynayay musaabaddaha Ciida iyo Maalinta Jimco. 
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa.

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Mustaf Bashir Gobdon
Hiiraan Zürich