4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 1 , 2017
Saddex qof oo shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay dalka Kenya

 
Jimco, September,01, 2017 (HOL) –Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa dhaawacmay, kaddib markii gaari ay la socdeen uu dulmaray miino lagu aasay waddo u dhow xadka ay wadaagaan waddamada Soomaaliya iyo Kenya, sida wakaalladda Reuters ay sheegtay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa khasaaraha ay kasoo gaareen dadka rayidka ah.

“Gaari nooca Toyotada ah ayeey ku safrayeen dadka rayidka ah, waxaana qabsaday miino xooggan oo dhulka lagu aasay, halkaasina saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay, mana jiraan dad ku dhintay”, sidaasi waxaa sheegay Gilbert Kitiyo, oo ah guddoomiyaha Lamu.

31-kii bishii May Qarax ayaa ka dhacay gobolka xeebta ee dalka Kenya ee Lamu, kaasi oo lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada amniga dalkaas.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, ayaa sidoo kale sheegatay inay ku dileen toddoba askari.

Dhowaanahan ayaa waxaa sii kordhayey qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia