4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedel ku sameeyey qaar ka mid hay’adaha dawladda

 

Axad, September 10, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isku bedel ku sameeyey qaar ka mid ah hay’adaha dawladda, waxaanu isku bedelay Badhasaabkii gobolka Awdal iyo badhaasabka gobolka Maroodi jeex.

Gudoomiyihii gobolka Awdal Musatafe Cabdi Ciise Shiine oo toddobaadkii hore uu shaqadda ka joojiyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayuu madaxweyne Siilaanyo usoo bedelay inuu gudoomiye ka noqday gobolka Maroodi jeex, halka Badhasaabkii gobolka Maroodi jeex loo bedelay gobolka Awdal.

Sidoo kale, maareeyihii hay’ada ka hor tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Somaliland Maxamed Muuse Cawaale oo muddo dheer xilkaasi hayey ayaa xilkii laga qaaday waxaana loo magacaabay gudoomiyaha hay’adan Axmed Yuusuf Dirir, halka maareeyihii horana laga dhigay inuu la taliye u ahaado isla hay’addii uu xilka ka hayey.

Isku shaandheyntan kooban ee xafiiska madaxweynaha ka soo baxay ayaa u qornaa sidan:”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017 uu isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha hay'adaha madaxa banaan ee dalka.”.

Gudoomiyihii gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) waxa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, halka Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex loo bedelay gobolka Awdal.

Sidoo kale, Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD), halka Mudane, Maxamed Muuse Cawaale oo muddo dheer xilkaasi hayey oo hadda xilkan gudoomiyaha hay’adda ka hor tagga aafooyinka laga qaaday waxa laga dhigay inuu la taliye u noqdo isla hay’addii uu gudoomiyaha ka ahaa.

Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, waxa loo magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Hay'adda Dekedaha Somaliland waxaanu hore u ahaa maareeyihiin Hay'ada mucaawimooyinka WFP.”                 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland