Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo iyo xarun nabadsugidda lagu tababari doono oo la dhagaxdhigay [SAWIRRO]
Axad, September, 10, 2017 (HOL)-- Safiirka dowladda Ingiirska U fadhiya Soomaaliya David Concar oo saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sareeysa ee Jubaland oo ay ka wada hadleen arimo kala duwan oo quseeya amniga iyo horumarka.
Wafdiga ayaa markii uu soo gaaray garoonka waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam, Ku xigeenkiisa 1-aad Mudane Max'uud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland.
Masuuliyiintan ayaa gaaray goob loo asteeyay in laga dhiso xarun tababar oo ku taal nawaaxiga garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaa oo ay si wadajir ah uga dhagaxdhigeen dhismaha xarunta tababarka ciidamada nabadsugidda Jubaland.
Taliyaha nabadsugidda qaranka C/laahi Max'ed Cali (Sanboloolshe), Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa daahfuray dhismaha xarunta.
Intaa kadib, Safiirka ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda ugu sareeya Jubaland iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Jubaland, ayagoo ka wada hadlay arimo kala duwan.
Kulamada markii ay soo idlaadeen waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan, isagoo sheegay in safiirka ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin amniga iyo horumarka.
Waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ballan qaaday in ay ka caawin doonto dhinacyada mushaaraadka ciidamada iyo dhismaha wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland.
Wafdiga ayaa intaa kadib dib uga ambabaxay garoonka diayaradaha magaalada Kismaayo, ayagoo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo ay markii hore kasoo kicitimeen.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedel ku sameeyey qaar ka mid hay’adaha dawladda
- Ganacsatadda alaabta kala soo dega Dekadda Berbera oo cabasho ka muujiyey shirkadda DP Wolrd
- Dhaqaatiir dhallinyaro ah oo ka shaqo bilaabay Isbitaalka Erdogan oo xaflad loogu qabtay Muqdisho
- Faah faahin ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne
- Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalladda Dubai oo sheegay in ay ka cabanayaan dhibaatooyin
- Qarax khasaare dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay maqaaxi ku taala magaalada Beledweyne
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay waddada General. Daa’uud
- Jabhadda Muslimiinta Rohingya oo iskeeda ugu dhawaaqday in ay xabbad joojisay, baaqna u dirtay dowladda
- Faah-Faahin: Kooxo hubeysan oo xalay dil iyo dhaawac ka geystay degmooyin kamid ah Gobolka Banaadir
- Al shabaab oo soo bandhigtay hub iyo gaadiid ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii deegaanka Buul-Gaduud
- Daawo: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliland oo sheegay in ay wadaan Mooshin ciidamo loogu dirayo Muslimiinta Rohingya
- Farmaajo “Qof kasta oo aan la kulmo waxaa uu ii sheegaa in ciidanka Soomaalidda ay yihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah”
- Ciidamada Suuriya oo dib ula wareegay saldhiga ciidanka cirka ee ku yaalla dulleedka Magaalladda Deir ez-Zour