4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta dhagax-dhigay waddada General. Daa’uud

 

Axad, September, 10, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalladda Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada Jeneral Daa’uud ee dhexmarta Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda.

Waddada maanta la dhagax-dhigay ayaa waxaa ay isk-xirtaa isgoys-ka Boondheere iyo taallada daljirka-Daahsoon.

“Waxaan ka codsanayaa dadka degan hareeraha waddada dhismaheeda uu bilaaban doono in ay la shaqeeyaan ciidanka inta uu socdo dhismaha”, ayuu yiri guddoomiyaha, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in waddadan ay muhiim u tahay isku socodka Magaalladda Muqdisho.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey aheyd, kaddib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalladda Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, uu dhagax-dhigay waddada hormarta Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye gaar-ahaan aga-gaarka tiirka cadaaladda ee Degmada xamar jajab.

Waddada la dhagax-dhigay ayaa muddo bur-bursaneeyd islamarkaana isticmaalkeeda dhibaatooyin ay ku qabeen gaadidka iyo bulshada.
Waxaa uu ka codsaday Shacabka degan Hareeraha Wadadaasi in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka inta uu socdo dhismaha wadada.

Dayactirka waddooyinka muhiimka ah ee magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa ay ku socdaan si heersare ah, sida ay aaminsanyihiin dadka ku nool caasimadda Soomaaliya 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia