4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Faah faahin ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne

 


Axad, September, 10, 2017 (HOL) -- Qaraxa oo ahaa mid uu fuliyay qof Ismiidaamiye ah ayaa lagu beegsaday maqaaxi inta badan dadka shacab ah ay fariistaan oo ku dhaw xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Qofkan oo waxyaabaha qaraxa isku soo xiray ayaa ka hor inta uusan is qarxin la sheegay in uu isaga soo taagay ilinka hore ee maqaaxi oo xiligaa ay fadhiyeen dad aan tiro badneyn, waxaana mar kaliya laga war helay jugta qaraxa oo siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Beledweyne.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijinayaa dhimashada Saddex ruux oo uu ka mid yahay qofkii geystay weerarka ismiidaaminta ah oo wali qeybo ka mid ah jirkiisa lagu arkayo halka uu qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo shir jaraa'id goobta ku qabtay ayaa sheegay in labo ruux ku dhinteen qaraxa.

Sidoo kale isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa la dhigay tiro ku dhaw 15 ruux oo qaarkood qaba dhaawacyo culus.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira saddex wariye ah oo u shaqeynayay TV kala ah Jubbaland,  Saab,  iyo RTN,  waxaana la sheegay in  dhaawac culus uu soo gaaray wariye C/llaahi Cismaan Macalin oo ka tirsan TV Jubbaland. 

Ciidamada amniga ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo dadka iyo gadiidka u diidaya in ay ka soo agdhawaadaan.

Qaraxan ismiidaaminta ayaa ah kii labaad uu fuliyo qof xiran jaakadaha qarxa, iyadoo Jimcihii la soo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taal magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen illaa afar ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]