4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Dhaqaatiir dhallinyaro ah oo ka shaqo bilaabay Isbitaalka Erdogan oo xaflad loogu qabtay Muqdisho

 

Axad, September, 10, 2017 (HOL) -Magaalladda Muqdishu waxaa shalay lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ay kasoo qeyb-galeen macalimiin iyo aqoonyahano, taas oo lagu dhiira-gelinayay dhaqaatiir dhallinyara ah oo dhawaan ka shaqa bilaabay Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer).

Dhaqaatiirta dhiira-gelinta loo sameeyay, ayaa waxaa ay horey uga qalin-jabiyeen Jaamacada Banaadir ee Magaalladda Muqdisho.

Imtixaan dhawaan lagu qabtay Muqdishu, ayaa waxaa ka qeyb-galay dhaqaatiir fara badan oo ka soo kala baxay Jaamacadaha dalka, waxaana imtixaanka ku guuleystay 19 dhaqtar ah oo 10 ka mid ah ay noqdeen dhaqaatiirtii ka qelin-jabisay Jaamacada Benaadir.

Dhinaca kale munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale barbar socday bandhiga (BUMSA Book Fire) oo qaar ka mid ah ardayda wax ka baratay Jaamacada Banaadir ku soo bandhigeen Buugaag ay qoreen oo ka hadlaya mowduucyo kala duwan oo faaiido u leh bulshada.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo geba-gebadii Munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey dhaqaatiirta ku guuleysatay imtixaanka Isbitaalka Erdogan, wuxuuna xusay iney arintan ay muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay tayada iyo tacliinta Jaamacadda Banaadir.

“Waxaa guul u ah Jaamacada Banaadir in 10 ka mid ah 19ka dhaqtar ee ku guuleystay imtixaankii Erdogan Hospital ay iyada ka soo baxeen taasoo ka dhigan %55, waana wax aan ku faani karno, cadeyna u ah horumarka ay ku talaabsatay Jaamacadda” ayuu yiri Dr. Dalmar oo dhinaca kale u hambalyeeyey gabdho ka mid ah kuwii ka baxay Jaamacada Banaadir oo xafladaas ku soo bandhigay buugaag ay qoreen isagoo si weyn u amaanay dedaalka ay geliyeen.

Anisa Salaad Cabdi iyo Naxwa Tooreeye ayaa xafladaas ku soo bandhigay labo buug oo ay kala qoreen kuwaasoo loo kala bixiyey (Noqo qof guuleysta) iyo (Baaritaanka caafimaad ee lamaanaha guurka hor.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia