4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Faah-Faahin: Kooxo hubeysan oo xalay dil iyo dhaawac ka geystay degmooyin kamid ah Gobolka Banaadir

 
Axad, September, 10, 2017 (HOL) –Dableey hubeysan ayaa xalay dil iyo dhaawac ka geystay degmooyinka Hodan iyo Boondheere ee Magaalladda Muqdisho, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Hodan, ayaa xalay lagu dilay xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Dhinaca kale sarkaal ka tirsanaa ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya ayaa xalay isagana lagu dhaawacay degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka dowladda oo nawaaxiga isgoyska Boondheera ka sameeyay howlgallo, ayaa waxaa ay kusoo qab-qabteen rag u badnaa dhallinyaro, kuwaas oo markii dambe lasii daayay.

Weeraradii xalay ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Boondheera waxaa ay kusoo beegmayaan xili habeen hore Kooxo hubeysan ay dulleedka Magaalladda Muqdishu ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ee dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo u dhow Degaanka Sarkuus, ee dhaca duleedka caasimada.

Askariga la dilay, ayaa sida la sheegay waxaa uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Saldhig Galbeed, waxaana lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Maxamed.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia