4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Ciidamada Suuriya oo dib ula wareegay saldhiga ciidanka cirka ee ku yaalla dulleedka Magaalladda Deir ez-Zour

 
Axad, September, 10, 2017 (HOL) –Ciidamada dowladda Suuriya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dib ula wareegay gacan ku heynta saldhig ay lahayeen ciidamada cirka ee dalkaasi oo ku yaalla dulleedka Magaalladda Deir ez-Zour.

Dagaal xooggan oo ka dhacay dulleedka magaalladda ayaa ugu dambeyn ciidamada u suuragelisay in ay gudaha u gaalaan Dei.

Qabsashada Deir ez-Zour ayaa soo afjartay go'doon ay kooxda isugu yeerta khilaafada Islaamka ee daacish ku hayeen saldhigaasi.

Horaanti toddobaadkan, ciidamada milateriga Suuriya ee uu taageero Ruushka ayaa qabsaday qeybo kamid ah magalladaasi, waxaana halkaasi ay ku go'doomiyeen kumanaan rayid ah iyo ciidamo halkaasi ku sugnaa tan iyo sanadkii 2015-ka.

Magaalladda Deir ez-Zour ayaa ah magaallo qani ku ah shidaalka, taa oo istaraateji ahaan u wanaagsan ciidamada dowladda.

Madaxweynaha dalka Suuriya, ayaa horay u sheegay in kooxda Daacish aysan laheyn awood ay kusii heysan karto Magaalladda.

Dhinaca kale dalka Suuriya, waxaa wali ka socda duqeynta ay geysanayaan xulafadda uu hoggaamiyo dalka Mareykanka, waxaana halkeeda taagan waddahadaladii u dhexeeyay Mucaaradka iyo dowladda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia