4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Al shabaab oo soo bandhigtay hub iyo gaadiid ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii deegaanka Buul-Gaduud

 
Axad, September, 10, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid nooca dagaalka ah oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaal todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Buul-Gaduud ee dulleedka Magaallada Kismaayo.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka ay ku lahaayeen deegaanka, inkatoo ciidanka ay markii dambe ay dib ula wareegeen saldhigoodii.

Al shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dileen 35 askari oo ka tirsan ciidamada, balse saraakiisha ciidanka ayaa beeniyay in khasaare noocaasi ah uu soo gaaray.

 

Dagaalka ayaa qaatay muddo saacado ah, iyadoo dagaalyahanno fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay xerada ciidamada gudaha u galeen.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegaya inay iska caabiyeen Al-Shabaab, ayna dib ula wareegeen deegaanka, balse waxaa ay qirteen in khasaaro uu jiro. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia