4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Ganacsatadda alaabta kala soo dega Dekadda Berbera oo cabasho ka muujiyey shirkadda DP Wolrd

 

Axad, September,10, 2017 (HOL)- Ganacsatadda waaweyn ee dekadda Berbera kala soo dega alaabta ayaa sheegay in shirkadda DP World shaqo xumo ka waddo dekadda,isla markaana iyadu shaqo joojin ku samaynayso ganacsatadda ka adeegta dekadda.

Ganacsatadan ayaa sheegay in shirkada DP World ku soo rogtay dekadda in qofka ka adeeganaya uu soo xidho qalabkii badbaadadda oo ay ka mid yihiin koofiyad bir ah iyo kabo waaweyn, haseyeeshee ganacsatadu waxay ku doodeen in aanay iyagu ahayn shaqaale dekadda balse ay xafiisyadoodda ka shaqaynayaan taasna aan waajib loogu lahayn inay qalabkaasi xidhaan.

Sidoo kale, ganacsataddani waxay ku eedeeyey shirkadda DP World inay maraakiibta cago jiid kaga dajinayso alaabta oo halkii barigii hore toddobaad alaabta lagaga dajin jiray Markabka ay hadda kaga dajiyaan laba bilood taas oo shaqo xumo ah.

“Waxa la inagu xidhay shuruudo adag  in koofiyad adag la xidho iyo kabo waaweyn la xidho, waxaasina wax suurogal ah maaha,waayo ma nihin shaqaalihii dekadda ee xafiisyo ka shaqaynaa, waxa kaliya ee nala waydiin kara waa kaadh aqoonsi oo kaliya”ayuu yidhi mid ka mid ah ganacstadda ka hadashay caqabada soo kala dhexgallay iyaga iyo shirkadda DP world.

“Maraakiibta toddobaad ama toban csiho ayaa alaabta lagaga dajin jiray, imika laba bilood ayuu markabku ku xidhnaanaya dekadda waana shaqo xumo ka jirta dekadda”ayuu ganacsade kale ku dooday.

Si kastaba ha ahaatee, waxa isa soo taraya cabashadda ganacstadda Somaliland ka tirsanayaan maamulka shirkadda Dp Wolrd oo la wareegtay maamulka dekadda, taas oo illaa hadda aan waxba laga qaban.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.