4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 10, 2017
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalladda Dubai oo sheegay in ay ka cabanayaan dhibaatooyin

 
Axad, September, 10, 2017 (HOL) --Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magaalladda Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalladda Boosaaso ayaa sheegay in ay ka cabanayaan koox ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin amniyaadka Dubai, kuwaas oo ku haya xad-gudubyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Abshir Muumin  oo ka mid ah ganacsatada cabashada muujinaya ayaa waxaa uu baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka ay kala kulmaan dad huwan shaarka ciidanka Amniyaadka Dubai.

Mursal Salaad, oo isaguna ka mid ahaa ganacsatada warbaahinta la hadashay ayaa tibaaxay in ganacsato badan oo Soomaaliyeed ay ku dulman yihiin dalkaasi, isaga oo intaasi ku daray  in ganacsatada la dhibaataynayo ay ka mid yihiin ganacsato dalka Imaaraadka ku leh hanti Muguurta ah, Shirkado iyo ganacsi kale.

Waxaa uu xusay  in dhibaatada aan look ala eegan ganacsatada ayna saamaysaysay ganacsato dalkaasi ku sugnaa sanado badan sida 20 sano, 30 sano ilaa iyo 40 sano, sida uu hadalka u dhigay.

Shirkooda jaraa’id ayaa waxaa ay kasoo saareen war-murtiyeed u qornaa sidan:

1: waxaa ay baaq u direen dhammaan Hay’adaha ay qusayso arimahan inay wax ka qabtaan dhibaatada iyo xad gudubyada ka dhanka ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhacaya Imaaraadka, gaar ahaan magaalada Dubai.

2:  in la sii daayo dhammaan gacsatada haatan sida sharci darada ah ugu  xiran dalka Imaaraadka.  

3: in ganacsatada Shuruucdooda laga qaaday sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo ciliyo iyo in la joojiyo dhibaatada lagu hayo ganacsatada.

Warsaxaafadeedkooda ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay kag cabanayaan rag ay magacyadooda ku kala sheegeen, Cubayd abu Cali, UAE, Abu Cali, Maxamed Catiiq ---- Abu Cabdullahi, iyo qaar kale.

Ahmed Barre waa nin kamid ah ganacsata Soomaalida ah ee aadka looga yaqaano Dubai iyo dalka Soomaliya, oo dhan, waa ganacsade wadanka inbadan joogay  wuxuuna ku leeyahay magaaladda Dubai shirkado badan iyo guryo badan.

Axmed, waxa haysata kooxdaa dadka ganacsatada ah dhibaatada ku haysa, waxaana lagu haystaa si xaqdaro iyo dulim ah,  wuxuuna ku xidhanyahay xabsiga Ceweer ee Ku yaala Dubai.

Ahmed barre waxaa looga yeeddhay xafiiska Muraaqabad--(station police) taariikhdu markey ahayd 09/05/2017, ka dib markii uu soo jaajusay Bashiir .

Axmed  Barre waxaa lagu sameeyey  baaritaanka  (harsh interrogation-ka loo yaqaano ka dibna  xabsiga loo taxaabay loonadiiday damiin iyo mudo uu hantidiisa kala daadsan  ku soo uruursado.

Codsi

Waxaa dowladda Imaaraaadka iyo umaradeedda khayrka iyo sharafta baddana laga codsanayaa in ay Axmed Barre u ogolaadaan in uu maxkamadda cadaalad ah helo.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga codsanayaa inay baadhitaan ku samayso sababta iyo cida kadanbaysa xadhiga dhibane Ahmed Barre iyo sidii  uu Dhibanahu u helilahaa maxkamad cadaalad ah.

Dowlada somalia waxaanu ka codsanaynaa in ay  baadhitaan dhab ah ku samaysaa shaqsiyaad ka kor ku xusan ee caadaystay gaboodfalkagacansatada somaliyeed ee dalka emirateka lagu lakaco.

Ugu danbayntii dowlada somaliya waxaanu ka codsanayaa in ay  dowllada Emirates ka codsato file danbiyeedka dhibane Ahmed Barre.si ay u ogaato ama u hesho xaqiiqadda waraaqaha been abuurka ah ee ganacsata somaliyeed lagu masaafuriyo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia