3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Madaxweyne Farmaajo: Booqashadii aan ku tagay dalka Masar waxey aheyd mid miro dhal ah

 

Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galinkii danbe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay dalka Masar ahaa mid miro dhal ah.

Waxaa uu sheegay in booqashadiisii Qaahira lagu tilmaami karo mid ka tarjumeysa xiriirka labada dowladdood Soomaaliya iyo Masar, waxaana uu soo hadal qaaday qodobadii ugu muhiisanaa oo ay ka wada hadlleen madaxweyne Cabdifitaax Al-Siisi.

Waxaa uu sheegay in ay ka wada hadleen arimo la xiriira kordhinta deeqaha waxbarashada, tayeeyta ciidamada, iyo waliba ka qeybqaadashada hormarinta dhaqaalaha dalka

Waxyaabaha is-afgaradka laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Waxaa la filayaa dhawaan in dowladda Soomaaliya dalka Masar u dirto 15 saraakiil ciidan ah oo kuwaa la filayo in ay bilow u noqdaan qorshahadowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/22/2017 11:10 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) –Inta la og-yahay Afar ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal mar kale maanta dhacay deegaanka Xeraale gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

8/22/2017 10:56 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib-u-dhiska dowladda Soomaaliya oo noqonaya Saadiq Cabdullaahi Cabdi.

8/22/2017 9:48 AM EST
Talaado, August, 22, 2017 (HOL)-Wasiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Africa, Rory Stewart OBE MP, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Soomaaliya, isagoo laba maalin ku sugnaa Muqdisho iyo Hargeysa

8/22/2017 8:40 AM EST
Talaado, August, 22, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hawlo caafimaad u jooga wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in qaliin fudud lagu sameeyey,isla markaana laga saaray qabsin (Appendicitis).

8/22/2017 7:37 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay kolanyo gadiid ah oo la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Ex Koontarool Balcad ee dulleedka magaalada Muqdisho.

8/22/2017 6:19 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Xog-hayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa maanta sheegay in maalmaha kooxda Daacish ay tirsamaan, isaga oo taxaddar ka muujiyey in ka adkaanshaha gebi ahaan kooxdaas ay tahay arrin aan hadda muuqan.

8/22/2017 3:36 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday laba eedeysane oo loo heysto in ay dil geysteen.

8/22/2017 3:33 AM EST
Talaado, August, 22, 2017 (HOL)- Golaha abwaannada Somaliland ee Mus-danbeed oo isku dayey inay xaliyaan muranka ka taagan golaha Wakiiladda ayaa sheegay in uu Baashe Maxamed Faarax gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo ka mid ah labadda garab ee golaha isku hayaa diiday in arrinkoodda la dhexgallo oo wada hadal lagu dhameeyo muranka golaha ka taagan.

8/22/2017 3:11 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Gamba oo ka tirsan Gobalka Taanariifa ee dalka Kenya.

8/22/2017 2:52 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono Gudiga doorashada Madaxweynaha ee maamulkaasi.

8/22/2017 2:23 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar.

8/22/2017 2:07 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Al Shabaab ayaa xalay tiro maddaafiic ah ku tuuray deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo Todobaadkan ay la wareegeen ciidamo huwan ah.

8/22/2017 1:55 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Dagaal xooggan ayaa xalay mar kale waxaa uu ka dhacay degmadda Afgoye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

8/22/2017 1:46 AM EST
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)-Yuunis Abuu-Yacquub, oo looga shakisnaa in uu geystay weerarkii ka dhacay magaalladda Barcelona, ayaa waxaa toogtay ciidamada Police-ka ee dalkaasi.