4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2017
Wasiirka Dowladda Ingiriiska u Qaabilsan Afrika oo booqday Muqdisho iyo Hargaysa



Talaado, August, 22, 2017 (HOL)-Wasiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Africa, Rory Stewart OBE MP, ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Soomaaliya, isagoo laba maalin ku sugnaa Muqdisho iyo Hargeysa

Mr Stewart ayaa booqashadiisa uga faa’iideystay dib u eegista heshiisyadii lagu saxiixay shirkii Soomaalida ee London bishii May, iyo in uu indha-indheeyo kaalmada bini’aadanimada iyo horumarin ee Ingiriiska ku taageero dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Stewart, oo ka hadlay gabagabada booqashadiisa ayaa yiri:

 “Dowladda Ingiriiska waxaa ka go’an in ay taageerto nabadda iyo horumarka Soomaaliya, waxaana kaalin weyn ka ciyaarnay in beesha caalamka ay kaalmo iyo taagero bixiso. Horaanta sanadkan waxaan marti galinay Shirkii Soomaalida ee London, waxaana aad ugu qancay horumaarka weyn ee la sameeyey, gaar ahaan dhinacyada dib u qaabeynta amniga.” 


“Iyadoo dalka uu wajahayo abaar xoogan, waan ku faraxsanahay in Dowladda Ingiriiska ay bixisay deeq aad u badan oo ku aadan jawaabta bini’aadanimada degdegga ah oo samatabixisay nolosha dad badan. Waxaan si weyn u aaminsanahay in gurmadka kaalmada degdegga ah ay qayb ka tahay jawaabta mustaqbalka fog ee wax looga qabanaayo arrimaha taagan iyo ciribtirka mushkiladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ka taagan. Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan si dhow ula shaqeyno dowladda Soomaaliya, si hadafka la hiigsanaayo loogu guuleysto”

Mr Stewart, waxa uu magaalada Muqdisho kulan wax ku ool ah kula yeeshay Ra’isal Wasaaraha, Ra’isal Wasaare ku Xigeenka, wasiirada Qorsheynta, Difaaca iyo Arrimaha Amniga gudaha. Waxa uu soo dhoweeyey horumarka muhiimka ah ee dowladda gaartay tan iyo markii ay awoodda qabatay, wuxuuna hoosta ka xariiqay sida Dowladda Ingiriiska uga go’an tahay taageeridda horumarka Soomaaliya. 

Waxa uu ka hadlay muhiimadda dib u qaabeynta qaybta amniga, isagoo xusay in tani ay Soomaaliya awood u siin doonta xaqiijinta amniga dadkeeda iyo wax ka qabashadaa halista ururka argagixisada ah ee Al Shabaab.

Wasiirka waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda wax ka qabashada waxyaabaha aasaasiga u ah rabshadaha xagjirnimada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, abuurista shaqada iyo fursadaha dhalinyarada iyo ilaalinta arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaalida   

Mr Stewart waxa uu booqday xarunta wax ka qabashada howlaha abaarta ee Qaramada Midoobay, oo uu ku arkay waxqabadka wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya Qaramada Midoobay, NGO-yada iyo wasaaradda arrimaha bini’aadanimada, si wax loogu qabto dhibaatooyinka bini’aadanimada.

Waxa uu sidoo kale dhageystay sida kaalmada Ingiriiska ee dhan £170 Million (Laba boqol oo Milyan) oo gurmadka degdegga ah gacan uga geysaneyso ka hortagga macluul ka dhacda dalka. Magaalada Hargeysa waxa uu booqday xarunta nafaqeynta hooyada iyo dhalaanka, oo ku soo arkay muhiimadda kaalmada Ingiriiska bixiyo. 

Intii Hargeysa uu ku sugnaa, waxa uu sidoo kale la kulmay wakiilada ururada bulshada rayidka ah iyo dowladda Somaliland. Mr Stewart waxa uu soo dhoweeyey doorashoyinka la filaayo in ay dhacaan bisha November. Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ah in doorashooyinkaan ay noqdaan kuwa u dhaca si caddaalad ah oo xor ah.

Waxa uu ku booriyey Dowladda Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah in ay ka faa’iideystaan muhiimadda doorashooyinkaan si dib loogu soo nooleeyo wadahadalka u dhaxeeya labada dhinac

Ugu danbayn ,wasiirka waxa uu sidoo kale la kulmay dhalinyarada Somaliland, oo ay ka mid yihiin xubnaha ku guuleystay mashruuca deeqda waxbarashada caanka ah ee Chevening, oo uu kala hadlay rajada iyo himilooyinkooda mustaqbalka.  

Hiiraan Online News Desk