4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Faah-faahin: Dagaallo mar kale xalay ka dhacay degmadda Afgooye ee G/Sh/Hoose

 
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Dagaal xooggan ayaa xalay mar kale waxaa uu ka dhacay degmadda Afgoye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in marka hore bam-gacmeedyo lagu tuuray ciidamada kadibna dagaal toos ah ayaa xigay.

Illaa  iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalladan xalay ka dhacay Afgooye, hase ahaatee saraakiisha ciidanka dowladda ee degmadaasi waxay sheegayana iney iska caabiyeen Al-shabaab.

Dhinaca kale, habeen hore kooxda Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ka geystay xaafaddo kamid ah degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafaddaha Siigaale iyo Ceel-qode, halkaasi oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in la iskugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in weerarka uu kasoo bilowday dhanka Wabiga.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ku adkeysanaya in ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka waddaan guud ahaan deegaannada hoos yimaada Gobolka.

Howlgallada ayaa si xooggan waxaa ay uga socdaan deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose, oo ay ciidanka dowladda iyo kuwo cadaan ah ay kala wareegeen Al Shabaab. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia