Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Xog-hayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa
maanta sheegay in maalmaha kooxda Daacish ay tirsamaan, isaga oo taxaddar ka
muujiyey in ka adkaanshaha gebi ahaan kooxdaas ay tahay arrin aan hadda muuqan.
Mattis ayaa
weriyayaasha la hadlay ka hor inta uusan booqasho aan la shaacin ugu duulin
magaalada Baghdad oo uu kula kulmayo hogaamiyayaasha Ciraaq iyo taliyayaasha
ciidamada Mareykanka.
Kulmadan ayaa
lagu wadaa in Mattis uu kaga hadlo istaraaatiijiyada xasilinta Ciraq ee
mustqbalka.
“Ma ahan wax si
soo boodo ah u dhici doona, waxay u baahnaan doonaan Ciraq in gacan weyn oo ay
horey ugu socdaan la siiyo” ayuu yiri.
Ciidamada Mareykanka ayaa hogaaaminaya xulufada dalalka duqeymaha ka dhanka ah
kooxda Daacish ka waday dalka Ciraq, tan iyo sanaddii 2014.
Ciidamada Ciraq
ayaa guul-weyn ka gaaray kooxda Daacish kadib markii ay bishii July si buuxda
uga saareen magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ee Ciraq.
Waxay sidoo kale
axaddii billaabeen howlgal ay ku qabsanayaan magaalada Tal Afar oo 60 KM
galbeed ka xigta magaalada Mosul.
VOA