4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Dagaal mar kale maanta ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galguduud

 

Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) –Inta la og-yahay Afar ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal mar kale maanta dhacay deegaanka Xeraale gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo labadii cisho ee la soo dhaafayba si xiriir ah uga socday deegaanka ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad is abaabulay oo deegaanka ah iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo inta badan ka arimiya gobolka Galguduud.

Dagaalka ayaa la ogeyn waxa uu salka ku hayo hasse ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in uu la xiriiro arimo siyaasadeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay dhibaato weyn ku qabaan dagaalkan iyadoo dhawaan madaafiic la tuuray ay ku dhinteen dad shacab ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]