Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay kolanyo gadiid ah oo la socdeen
ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM Ex Koontarool Balcad ee dulleedka
magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay ku
dhinteen ilaa saddex ruux oo rayid ah, shan kalana ay ku dhaawacmeen, balse lama sheegin wax khasaare ah oo soo
gaaray ciidamada AMISOM ee la bartilmaameedsaday.
Qof ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay
in dadka rayidka ah ee dhintay ka mid aheyd haweeney sida uu sheegay goobta ku
iibineysay Shaah.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay xireen jidadka soo
gala goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la maqlay rasaas culus oo ay ciidamadu
ridayeen.
Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’addaha
amniga dowladda iyo kuwa AMISOM, sidoo kalana ma jirto cid sheegatay ilaa iyo
hadda mas’uuliyada qaraxa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]