4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Baarlamaanka Hirshabeelle oo isku diyaarinaya ku dhawaaqida guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Hirshabeelle

 
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono Gudiga doorashada Madaxweynaha ee maamulkaasi.

“Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle waxaa doortay xildhibaannadda, haddana iyaga ayaa kalsoonidda kala noqday wax dhibaata ah ma jiraan, goordhowna waxaan guda-geli doonaa doorashooyinkii madaxweynaha ee Hirshabeelle”.

“Magacyadda guddiga doorashooyinka ayaan goordhow ku dhawaaqeynaa, waxaana imaan doona goob-joogayaal, si nidaam ah oo dastuurka uu qabo ayaa loo dooran doonaa Madaxweynaha”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala noqday Madaxweynaha maamulkaasi Cali Cosoble, 14-kii August.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shalay soo jeedisay In Baarlamaanka Hirshabeele qabto guddi doorasho oo isu miisaaman oo lagu kalson yahay, Waraadadda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiintana kormeer ku sameyso farsamo ahaana ka caawiso.

Go’aankii dowladda Federaalka ee Soomaaliya:-

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaiya ayaa sheegtay in xil ka qaadista madaxweynaha maamulka Hirshabeela ay sharci tahay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri: Go’aankii baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeele ee August 14, 2017, markay dowladda Federaalka ah guddii wasiirro ah oo xaqiiqo raadis ah u dirtay magaalladda Jowhar, August 17, 2017, oo ay dhageysatay dhamaan dhinacyada kala duwan ee khilaafka.

Markaan qiimeynay cawaaqib xumada ka dhalan karta is jiid jiidka siyaasadeed oo dhaba dheeraada iyo khatarta kaga imaan karta dowlad goboleedka curdunka ah ee Hirshabeele.

Markaan eegnay baahida loo qabo amniga, kala dambeynta, iyo xasiloonida siyaasadeed ee dowlad goboleedka Hirshabeele oo shacabku wax wayn ka filayaan, waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalk, iyo dib u heshiisiinta soo jeedineysaa.

In la tixgaliyo go’aankii baalmaanka Dowlad Gobleedka Hirshabeebe ee 14-kii Agoosto. In doorashada madaxweynaha cusub lagu qabto 30 cisho gudahood oo ka bilaabaneysa 14-kii bisha Agoosto.

In la adkeeyo aminiga iyo kala dambeynta xilliga kala guurka ah. War shaxaafadeedka ayaa lagu yiri; waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta soo dhoweynaysaa talaa guddoonka iyo Baarlamaanka Hirhsbabeela ee ah in kursiga Madaxweyne-nimo ay u tartanto beesha uu ka soo jeedo madaxweyaha xilka laga qaaday oo kali ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia