4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Al Shabaab oo xalay maddaafiic ku tuuray deegaanka Bariire ee G/Sh/Hoose

 
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Al Shabaab ayaa xalay tiro maddaafiic ah ku tuuray deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo Todobaadkan ay la wareegeen ciidamo huwan ah.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in wax khasaaraha uusan kasoo gaarin weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in dad shacab ah ay wax ku noqdeen maddaafiicda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maamula deegaanka Bariire, waxaana Al-shabaab ay ku sugan yihiin duleedka deegaankaasi.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka waddaan guud ahaan deegaannada hoos yimaada Gobolka.

Howlgallada ayaa si xooggan waxaa ay uga socdaan deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose, oo ay ciidanka dowladda iyo kuwo cadaan ah ay kala wareegeen Al Shabaab.

"Deegannada lagala wareegay Al-shabaa, waxaa loo sameyn doonaan maamullo, maadaama ay yihiin deegaanno Istiraatiiji ah” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia