4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 22, 2017
Al Shabaab oo xalay weerar ku qaaday deegaan ka tirsan dalka Kenya

 
Talaado, Augusto, 22, 2017 (HOL)- Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Gamba oo ka tirsan Gobalka Taanariifa ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa lagu beegsaday xarumo ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay weerarka, sida police-ka ay sheegeen.

Dhinaca kale ciidanka Militeriga dowladda Kenya ayaa shalay dadka ku nool deegaannada ku dhow xadka Somalia iyo Kenya ku armay in 24-Saacadood gudahooda ay uga guuraan deegaannadaasi.

Militeriga ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaa howlgallo culus oo la doonayo in lagu qaado dagaalyanno ay sheegeen in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab oo isku qarinaya deegaannada keymaha ee Boni Forest.

Amarkaasi ayaa shalay waxaa uu kasoo baxay madaxa howlgalka Linda Boni mission (Swahili for Operation Protect Boni) Joseph Kanyiri.

“Dadka xoola dhaqatada ah, waxaan ku amreynaa in ay ka fogaadaan keymaha, halkaas oo howlgalkeena xooggiisa uu ka dhici doono”, ayuu yiri Joseph.

Keymaha Boni Forest ayaa waxaa ay ku dhirirsanyihiin xadka waddamada Kenya iyo Soomaaliya ay wadagaan, waxaana dowladda Kenya inta badan ay sheegeen in Al Shabaab ay halkaasi weerarada ay kasoo qaadaan intooda badan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia