Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha BF Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari maanta ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa waxaa Wehlinayay guddoomiye ku xigeenkiisa labaad ee baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad, 25 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan iyo xildhibaanno baarlmaanka Galmudug ka tirsan, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusa-mareeb kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka FS oo soo dhaweynta kaddib hadlay ayaa mahadcelin kaddib waxay tilmaameen tilmaameen in loo baahan yahay nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah.
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa isna uga mahad-celiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdigiisa sida ay u aqbaleen marti-qaad ay u fidiyeen; wuxuuna dhanka kale sheegay inay soo dhaweynayaan wafdiga; wax walba oo ay u keenaanna ay diyaar u yihiin.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somalia, Mahad Cawad oo ka hadlay isaguna Munaasabadda ayaa yiri. “Maanta waa maalin Taariikhi ah, umana ahan taariikhi inaan Dhuuso-mareeb nimid, balse waxay ku tahay in nin meel ku oodan oo aan u nimid inaan shacabkiisa la heshiisiino uu na cambaareeyo, waxa aan u nimid inaan dhageysanno cabashadiinna; maadaama aad tihiin shacabka aynu metelno.”
Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] oo gaba-gabadii jeediyay khudbaddii ugu dambeeysay ayaa u mahad-celiyay maamulka iyo shacabka gobollada dhexe sida ay noo soo dhaweeyeen; isagoo yiri. “Waxaan ahay ergay uu soo diray madaxweynaha DF Somalia, nabada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed marna gor-gortan kama galeyno; waxaa la joogaa xilligii isku-tanaasulka waxaanna idin ka codsanayaa inaad nabadda nagu raacdaan, dowladdana diyaar ayey idiin tahay.”
Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo caawa ku hooyana Dhuusa-mareeb ayaa kulammo la qaadan doonna qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Ahlusunna.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya