Sheybaarka kuliyada xanaanada xoolaha ee Jaamacada Banaadir oo xariga laga jaray (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 07, 2016 (HOL) — Waxaa Maanta si Rasmi ahaan Xarigga looga jaray Sheybaar cusub ee Kulliyadda Xannaanada Xoolaha ee Jaamacada Banaadir kaasoo lagu kordhiyay Kambaska Dr. Shahiid oo ku yaalla deegaanka Km-13 ee duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha mu’asasada Banaadir Dr C/llaahi Sh. Xuseen Bushkuleeti & gudoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar ayaa si Wadajir ah Xarigga uga jaray dhismaha sheybaarkan cusub, waxaana goobjoog ka ahaa mas'uuliyiinta sare ee jaamacada, hormuudyada kuliyadaha qaarkood, xubno ka socotay xukuumadda iyo baarlamanka DFS, aqoon-yahanno, arday iyo xubno kale.

Mas’uuliyiintaan ayaa kusoo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay sheybaarka, iyagoo u kuur-galay qalabka casriga ah ee lagu soo kordhiyay, iyagoo warbixino siinayay dhaqaatiir ku Takhasusay habka isticmaalka, isla markaana macalimiin ka ah kulliyadda Xannaanada Xoolaha.

Sidoo kale, ku-xigeenka hormuudka kulliyada xanaanada xoolaha ee Jaamacada Banaadir, Dr. Cumar Maxamuud Kulmiye oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay in dadaal badan kaddib lagu Guuleystay Hir-gelinta sheybaarkaan oo loogu talo-galay Waxbarashada Ardayda iyo baaritaanada caafimaadka xoolaha iyo daweyntoodaba, isagoo u mahad-celiyey hayaddaha ICRC iyo International Relief oo ku deeqay qalabka uu ku howlgalayo sheybaarkan.

Hormuudka kuliyada Caafimaadka Jaamacadda Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday ayaa isagana sheegay in sheybaarkan uu yahay kii ugu horeeyay noociisa ee dalka laga hir-geliyo, isagoo intaa ku daray inuu gacan ka geysanayo sidii loo ogaan lahaa cudurro badan oo ay isku gudbiyaan dadka iyo xoolaha, isagoo ugu baaqay ardayda kuliyada Xannaanada xoolaha inay ka faa’ideystaan sheybaarkan bulshadana uga faa’iideyaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay xafladda ayaa yiri. “Waxaan jeclahay inaan farxadda la wadaago maamulka iyo ardayda kulliyadda Xannaanada Xoolaha, annagoo u fadhinna xaflada furitaanka sheybaarkan casriga ah oo ka dhigan in la xaqiijiyay mid ka mid ah hadafyada waaweyn ee Jaamacaddu hiigsanayso.”

Waxaa isagana Xafladda ka hadlay guddoomiyaha mu’asasadda Jaamacadda Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) ayaa ku dheeraaday marxaladihii iyo aasaaskii ay soo martay Jaamacadda Banaadir oo hadda 13-jirsatay, wuxuuna sheegay in sheybaarkaan uu muhiimad ballaaran u leeyahay maadaama dhaqaalaha Somalia uu ku tiirsan yahay intiisa badan xoolaha, loogana maarmayo baarista cudurrada xoolaha ee dibadda loo qaadi jiray.

Agaasimaha qaybta Xannaanada Xoolaha ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Dr. Faarax Maxamed Cali ayaa isagana furitaanka sheybaarkan ugu Hambalyeeyay Maamulka Jaamacadda Banaadir, isago ballan-qaaday in Wasaaraddu ay ka caawinayso ardayda tababarrada iyo tas-hiilaadka kale ee ay baahan yihiin.

Guddoomiyaha Guddiga Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha baarlamaanka FS, Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo Gaba-gebadii xafladda ka hadlay ayaa ku Ammaanay maamulka Jaamacada Banaadir dadaalka ay ugu jiraan sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka, wuxuuna ku tilmaamay furitaanka sheybaarka guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, xiritaankii xafladdan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xubno ku hadlayay magaca ururro maxalli ah oo ka shaqeeya Xannaanada Xoolaha sida Dr. Khadiijo Axmed abuukar oo madax ka ah ururka SATG, Dr. Saciid C/lle Xasan oo ah khabiir ku takhasusy Xannaanada Xoolaha iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya